Kuuriyada waqooyi oo Australia uga digtay siyaasadaha Trump

Date:

Muqdisho(SONNA) Dowlada Australia ayaa sheegtay in Kuuriyada waqooyi ay u soo qortay warqad furan baarlamaanka dalkaasi.

Warqadan ayaa dowladda Australia ugu baaqaysa in ay ka dheeraato siyaasadaha madaxwayne Trump.

Warqadan oo ka kooban hal bog ayaa ka digeysa waxa loogu yeeray tillaabooyiinka arxan darada iyo qayro masuulnimada ah ee maamulka madaxwayne Trump oo ku baaqaya cunaqabatayn ka dhanka ah Kuuriyada waqooyi iyo difaacida mab’da kowaad ee Mareykanka ee ku dhisan xorriyadda.

Warqadani ayaa lagu soo gabgabaynayaa eedeyn loo soo jeedinayo madaxwayne Trump oo ay Kuuriyada waqooyi ku eedeysay in uu caalamka u wado dhanka musiibo Niyukleer.

Rai’sul wasaaraha Australia ayaa sheegay in warqadan furan loo diray dhowr dal islamarkana ay dalkiisa ka soo gaartay safaarada Kuuriyada Waqooyi ee Indonesia.

Warqadan ayuu ku tilmaamay waxyaabaha ku qoran in ay ka kooban yihiin cabasho iyo caro ayna tahay calaamad muujinaysa in uu shaqaynayo cadaadiska Dublamaasiyadeed ee ka dhanka ah Kuuriyada waqooyi

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...