Saxaafadda Soomaaliyeed oo isku raacay in dhex dhexaad aysan ka noqon doonin Baahinta Xasuuqa Argagixisada Alshabaab ay geeysanayaan “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Kulan ay isugu yimaadeen Saxaafadda Soomaaliyeed, ayaa maanta ku qabtay Magaaladda Muqdisho, waxaana kulanka goob joog ahaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Wasiirka Owqaafta iyo arrimha diinta, Agaasimmaha Guud ee Wasaaaradda Wafaafinta, Agaasimeyaasha Warbaahinta Madaxa banaan, Agaasimaha Telefashinka Qaranka, Agaasimaha Radio MMuqdisho iyo Wariyeyaal Soomaaliyeed, iyaggoo ka hadlay doorka Warbaahinta laga rabo.

 

Mudane Cabdullaahi Xirsi oo kamid ah Masuuliyiinta Telefashinka Universal kuna hadlayey afka warbaahinta Madaxa banaan ee Dalka, ayaa sheegay in aysan dhex dhexaad ka noqon doonin Xasuuqa iyo Gumaadka Nabad diidka Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ay u geysanayaan Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, isagoo sheegay in ay ku guda jiraan uruurinta lacag ay ugu talo galeen in loogu gurmado dadkii waxyeelada ay kasoo gaartay Qaraxii Zoobe.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow oo kulankaasi ka hadlay, ayaa soo dhoweeyey go’aanka ay qaateen Warbaahinta Madaxa banaan ee Dalka, isagoo ku baaqay in laga wada qeyb qaato horumarka dalka iyo sidoo kale in loo gurmado dadkii ku dhaawacmay Musiibadii Zoobe ka dhacday.
Warbaahinta Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Wasiir Yariisow, in dadka dhibaneyaasha ah Codkooda meel sare la gaarsiiyo, loona fududeeyo in warbaaahinta ay ka hadlaan, si loogu soo gurmado.
Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha diinta Xukuumadda Soomaaliya, Iimaan Cabdulaahi Cali, ayaa sheegay in kan wasaarad ahaan ay diyaariyeen Culimo Soomaaliyeed oo ka shaqeyn doonna Wacyi galinta Bulshadda, si aan loo marin habaabin Bulshadda, isagoo warbaahinta ugu baaqay in laga qeyb qaato wacyigelintaasi.

 

Ugu dambeyntii kulanka kadib, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta iyo Agaasimeyaasha Warbaahinta dalka, ayaa booqday goobtii qaraxa uu sabtii lasoo dhaafay ka dhacay ee KM5, halkaasi oo ay ka socotay olole dib loogu dayactiayo waddadaasi.

 

 

Sawirqaade:- Maxamed Feeresane.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...