Madaxweyne Farmaajo oo dhambaallo tacsi ah ka helay qaar ka mid ah dalalka Caalamka

Date:

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaallo tacsi ah waxaa soo gaarsiiyey hoggaamiyaasha qaar ka mid ah waddamada dariska iyo kuwa caalamka kuwaasi oo muujiyay dareenkoodi ku aaadan mashaqadii 14kii bishan ka dhacday Muqdish.

Waxaa kamid ah madaxda khadka telfoonka kula soo xiriirtay.Madaxweynaha Dalka Turkiga,Suudaan.Raiisul Wasaarayaasha Itoobiya iyo Swedan,waxaa sidoo kale madaxweynaha uu heley dhambaalo tacsi ah waxaana ka mid ah madaxdaasi Xoghayaha guud ee QM,Raiisul Wasaaraha Jarmalka iyo kan Ingiriiska.

Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey madaxda la soo xiriirtay sida ay Soomaaliya ula qeyb-sanaayaan dareenkooda walaaltinimo iyo kan saaxiibtinimo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu u sheegay Madaxdii la soo xiriirtay, in dagaalka lagula jiro argagixisadu uu yahay mid caalami ah sidaas daraadeedna ay tahay in si wada jir ah loo wajaho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray wadada Soobe oo dib udhis lagu sameeyay

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Shirka looga hadlayo Isbaddelka Cimillada oo maanta ka furmaya Addis Ababa

Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa maanta...

Madaxweynaha JFS oo magaalada Addis Ababa kaga qeyb galaya Meertada Labaad ee Shirka Cimilada Africa

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...