Banaanbax ka dhan ah Shabaab oo ka dhacay magaalooyinka Johannesburg iyo Cape Town

Date:

Banaan baxaan oo ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen urur dhalinyaro ah oo ka koobnaa qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida South Africa  una istaagay in ay qeyb ka noqdaan gurmadka loo sameynayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho oo kooxaha argagaxisada ay ku xasuuuqeen shacabkii masaakiinta ahaa ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Mayfair ee magaalada Johannesburg.

Dadweyne aad u farabadan oo u badnaa dhalinyaro iyo haween ayaa isugu soo baxay barxadda weyn ee xaafada Soomaalida dagan tahay Mayfair kuwaa oo shaqooyinkooda ka soo tegay isla markaana madax ku soo xirtay marooyin gaduudan oo ay ku muujinayeen dareenka iyo sido kale boorar waa weyn.

Madaxda jaaliyadda Soomaalida iyo shacab kale ayaa goobta hadalo kooban oo u badnaa tacsi ka jeediyay waxaana ay dhamaan ka mideysnaayeen dareenka murugada leh oo ay ka qabaan weerarkii bahalnimada ahaa ee  14-a bishaan kooxaha argagaxisada ay ku qaadeen isgoys-ka Zoobe ee magaalada Muqdisho kaa oo ay ku nafwaayeen ku dhawaad 300 ruux tiro ka badana ay dhaawacyo ispitaalada la jiifaan.

Inta qudbadaha socdeen waxaa la arkayay haween badan oo ilmeynaya isla markaana wajiyooda laga dheehan karay in dhibaatada iyo diifta ay ku reebtay dhacdadaan naxdinta leh, qaarkood oo warbaahinta qaranka la hadlayna ay sheegeen in tani ay tahay musiibo ku habsatay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana hooyooyinka.

Intaasi kadib waxaa ay socod ku soo mareen wadooyinka xaafada Mayfair ayaga oo ku qeylinaya erayo ay kaga soo horjeedaan kooxaha argagaxisada ah ee falkaan foosha xun geysatay waxaana ku jiray erayo ay ka midyihiin”Al-shabaab dooni meyno,nabad diidka dooni meyno,maato laaye dooni meyno”

Sido kale Magaalada Cape Town ayaa Soomaalida ay ka dhigeen banaan bax kan la mid ah ayada oo Soomaalida xaafada Bellville ay isugu timid madrasada Sunna ay Soomaalida ku leedahay magaalada Cape Town.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...