Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhigiisa Turkiga

Date:

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta oo khamiis ah dhigiisa Dalka Turgiga Ben Ali Yildirim kulan kula qaatay Magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga.

Mudane Xasan Cali khayre iyo dhigiisa Turkiga ayaa si wadajir ah Salaan Sharaf ugu qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Turkiga,waxaana loo tumay astaanka Qaranka Labada Dowladood.

Intaasi ka dib Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Ra’iisal wasaraaha Turkiga Ben Ali Yildirim ayaa kulan saacado qaatay wada yeeshay,waxayna si qoto dheer uga wada hadleen Xiriirka labada dal iyo sida lagu xoojin doono.

Kulanka Labada Ra’iisal wasaare ay yeesheen waxaa goob joog ahaa Wasiirka Difaaca Turkiga iyo Xubno kale oo ka tirsan Dowladdaasi.

Sidoo kale,waxaa la filayaa in kulan labaad ay isugu yimaadaan Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo dhigiisa Turkiga Ben Ali Yildirim,kaasoo oo ah kulan qado sharaf oo loo sameeyay wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Qado sharafta ka dib ayaa Wafdiga Ra’iisal wasaare Kheyre iyo madaxda Turkiga waxay so qoto dheer uga wada hadli doonaan xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya Labada dal iyo sidii Dowladda Turkiga u kordhin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya iyo sidoo kale iney iska xog wareystaan horumarka Goboleed iyo kan caalamiga ahba.

Dhanka kale,Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa booqan doona dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Soobe ee dhawaan loo qaaday dalka Turkiga.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...