muqdisho soo gaartayDeeq dawo ah oo Puntland ugu talagashay dhaawacyada

Date:

Iyadoo weli ay soconayaan howlaha loogu gurmanayo dadkii ku waxyeeloobay qarixii ka dhacay Isgoyska Soobe ayaa Dowlad Goboleedka Puntland waxaa uu ka qeyb qaadanayaa howlahaasi samafalka ah.

Diyaarad sidda daawo uu soo dhiibay maamulka Puntland ayaa ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,waxaana loogu talagalay daawadaasi in lagu baxnaaniyo dadka ay mashaqadu saameysay.

Waxaa garoonka ku soo dhaweeyey wefdi dhaqaatiir ah o dawooyinkasi la socday,Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha SHacabka Mahad Cabdalla Cawad,iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Dowladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalak Soomaaliya ayaa uga mahad naqay Dowlad Goboleedka Puntland sida ay uga qeyb qaadanayso ka maamul ahaan howlaha gurmadka ah iyo sidoo kale maamulada kale ee Dalka kajira.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen),...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa maanta ku...