Madaxweynaha Suudaan oo Amray in Addeeg caafimaad oo tayo leh loo fidiyo Bukaanada Soomaaliyeed ee Wadankaasi gaaray

Date:

Muqdisho (SONNA) Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Bukaanaddii Maanta ay ka qaaday Magaaladda Muqdisho ee ku wajahnaa Dalka Suudaan, ayaa hadda ka degay Magaaladda Khartoum ee Xarunta dalkaasi, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen Masuuliyiin Safaaradda Soomaaliyeed ee Suudaan iyo Jaaliyadda Dalkaasi ku nool.

 
Madaxweynaha Dowladda Sudan, Cumar Albashiir, ayaa kahadlay qaraxii Zoobe ee Dadka badan ay ku dhinteen, isagoo sheegay in Bukaanadda Wadaankaasi gaaray oo gaaraya 23 Qof ay Dowladdiisa u balan qaadeyso in addeeg Caafimaad ay siin doonto, islamarkaana Suudaan ay diyaar u tahay Caawinaada iyo Garab istaaga Soomaaliya, ayna la qeyb saneyso Dhibaatada.

 
Cumar Albashiir, Madaxweynaha Wadanka Suudaan, ayaa Amray Wasaaradda Caafimaadka ee Wadankaasi in il gaar ah lagu hayo bukaanada Soomaalida ah, loona fidiyo Gargaar caafimaad oo tayo leh, waxaana uu intaas ku daray in xil gaar ah la iska saaro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah...

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare...

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha oo Ka Qeyb Galay Gabagabada Shirka Madrid Dialogue

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

HALGANKA NOLOLEED EE XOOG-MAALATADA

Booqasho gaar ah ayaan ku tagay Kawaanka Malaayga ee...