Guddiga Gurmadka Qaranka oo ka warbixiyey Howlaha gargaarka ah halka ay u marayaan “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Guddiga Guramadka Qaranka, ayaa Shir jaraa’id oo ay hadda ku qabteyn Xarunta Gurmadka Qaranka ayaa waxay kaga hadleyn Howsha gargaarka meesha ay mareyso iyo Baahiyaha kala duwan ee ay qabaan Bukaanaddii Qaraxii Zoobe ku waxyeeloobay.
Qaar kamid ah Xubnaha Guddiga Gurmadka qaranka oo Warbaahinta Dowladda la hadlay, ayaa sheegay in ay jiraan  Baahiyo badan, loona baahan yahay Gurmad deg deg ah, maadaama ay jiraan dad dhaawacyo culus qaba oo caawinaad deg deg ah u baahan.

 

Guddiga, ayaa balan qaaday in aysan dhici doonin la masuq maasuqo Lacagta  loo soo diro ee gurmadka ah, waxaana ay sheegeyn in Ummadda Soomaaliyeed aysan Cabsi kaqabin arintaasi, iyaggoo tilmaamay in Guddiga uu wado Howshiisa, islamarkaan ay dhalinyaro ay u xilsaareen tira koobka saxda ah ee Qasaaraha qaraxa uu geeystay, dhalinyaradaasna ay tagi doonaan goobo badan.

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...