Ku simaha Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Lacag ku warreejiyey Guddiga Gurmadka Qaranka “Sawirro”

Date:

Ku simaha Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/rashiid Cabdullaahi Maxamed, ayaa maanta kormeeray Xarunta Guddiga Gurmadka Qaranka, isagoo Guddigaasi ku warreejiyey Lacag gaareysa 2.000$, waxaana ka guddoomay Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaalia Mudane Eng C/raxmaan Cumar Yariisoow.

Sii hayaha Xilka Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, Mudane C/rashiid Cabdullaahi Maxamed, ayaa sheegay in aad uga xun yahay Musiibadii Maleeshiyada Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ay ka geeysteen Isgooyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho, waxaana uu dadkii dhaawacmay uu Alle uga baryey in si deg deg ah ay u bogsadaan.

” Waan ka xumahay dadkii ku waxyeeloobay Musiibadii ka dhacday Zoobe, waxaana ugu baaqayaa Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed in ay u gurmadaan dadka waxyeelada ay soo gaartay” ayuu yiri kusimaha wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasaaradda gaashaandhigga oo qalab kala wareegtay xafiiksa UNOPS

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...