Taliyaha cusub ee CXD oo xilka si rasmi ah ula wareegay

Date:

Muqdisho (SONNA) Munaasabada xil-wareejinta ah ayaa ka dhacay xarunta Villa Baydhaba ee magaalada Muqdisho, waxaana goob-joog ka ahaa ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyihii hore ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Axmed Jimcaale Geeddi  oo khudbad ka jeediyey xil-wareejinta ayaa ku dardaarmay in si xooggan looga qeyb-qaato dhismaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uuna guula u rajeeyey taliyaha cusub ee xilka la wareegay ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyey musiibadii lagu xasuuqay shacabka Soomaaliyeed ee ka dhacdey Isgoyska Zoobe, waxa uuna sheegay in tani ay tahay fariin loo diray ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo looga baahanyahay in ay difaacdaan dadkooda iyo dalkooda.

Sidoo kale waxa uu u mahadceliyey taliyihii hore ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uu sheegay in ay u taallo howl adag oo u baahan in lagu difaaaco dalkeena cadowga dhibaatada ku hayo, waxa uu xusay in hoggaanka iyo ciidankuba ay gaarsiin doonaan meesha ay maanta joogaan meel ka sareysa, loona baahan yahay in Ummadda Soomaaliyeed ay si joogta ah u garab istaagaan ciidamada Xoogga dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Cabiweli Jaamac Xuseen ayaa carabka ku adkeeyey in ay qaadi doonaan tallaabooyin adag oo ku aaddan sidii dalka inta ay ka joogaan aragagixisada Al-Shabaab looga xorreyn lahaa.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Maxame Cali Xagaa ayaa munaasabadda xil-wareejinta ah ka jeediyey mahadcelin ku aadan Taliyihii hore ee Xoogga dedaalkiisii ku aaddanaa dhismaha ciidanka iyo Difaaca dalka, dhanka kale waxa uu tilmaamay in taliska cusub looga baahanyaha in ay la yimaadaan hufnaan iyo howl badan, laguna dadaallo mideynta iyo wadajirka ciidanka Xoogga dalka si dalkeenna aan uga saarno dhibaatada amni ee uu ku jiro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...