Mukhtaar Roobow “haddii siddaan jano lagu rabo jidkeedii midkaan ma ahan ee Towbad keena”.

Date:

Muqdisho (SONNA) Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo horay uga tirsanaa Kooxda Al-shabaab oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Gurmad Qaran ee Magaalada Muqdisho ayaa si kulul u canbaareeyey Weerarkii wuxuushnimada ahaa ee ay kooxda Al-shabaab ka geysteen Isgooska Soobe ee Magaaladda Muqdisho.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in Kooxda Al-shabaab ay caadeysteen Xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed ayagoo sidaan oo kale u qarxiyey meelo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Wadaadka ayaa sheegay in asaga iyo shabaab waxa ay isku qabteen in ay ugu weyneed in aysan Shacabka dhib u geysan isagoo sheegay in ay ka biyo diideen dalabkiisa sidaana uu uga baxay ku dhawaad toban sano ka hor.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa Kooxaha Nabad diidka Al-shabaab ugu baaqay in ay Alle u towbad keenaan islamarkaan fikradaha qaldan ay kasoo laabtaan waxana una sheegay in wadad ay ku socdaan aysan ahayn wado Jano lagu raadiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...