Dowladda Jabuuti oo soo dirtay diyaaradda sido gargaar caafimaad iyo dhaqaatiir.

Date:

Muqdisho (SONNA) Dowladda aan walaalaha nahay ee  Jabuuti ayaa diyaarad gargaar caafimaad sida u soo dirtay Magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii dadka faraha badnaa ku dhamaadeen ee ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Amb. Aadan Hassan Aadan oo la hadlayay Telefishinka Qaranka ee SNTV ayaa sheegay in Diyaarad daawo iyo agab caafimaad sido oo uu hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka Jabuuti isla markaana ay la socdaan 25 dhaqaatiir iyo kalkaaliye Caafimaad ah ay ku soo wajahan tahay magaalada Muqdisho.

Safiirka ayaa xusay in ay reer Jabuuti ay si buuxdo u garab taaganyihiin walaalahooda Soomaaliyeed asagoo xusay in ay aad uga xunyihiin Mashaqaddii ka dhacday Isgooska Soobe ee Magaaladda Muqdisho.

Dowladda Jabuuti ayaa ah mid marwalbo garab taagan Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ayagoo abaalo badan horay ugu soo galay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Jarmalka oo si Buuxda u Aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga Soomaaliya.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...