Shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka oo Dhiig u shubay dadka ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho ka dhacay

Date:

Muqdisho (SONNA) Shaqaalaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb qaatay Gurmadka loo sameynayo dadkii ku dhaawacmay qaraxii kooxda Argagaxisada Al shabaab ay ka geysteen iskoyska soobe ee magalada muqdisho

Shaqaalaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka  Badda ayaa dhiig u shubay dadka ku dhaawacmay qaraxii dhawaan ka dhacay magalada Muqdisho, waxaa halkaasi  ku sugnaa Wasiirka Dekadaha, Gaadiidka iyo Badda, Wasiirka amniga, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Masuuliyiin ka socotay shirkada Alberag.

Ugu horeyn waxaa halakaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac waxayna sheegtay in wasaaradooda ay wado dadaalo lagu cawinayo dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe.

Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa ku amaanay Talaabada wanagasan ay qaadeen Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda Dekadaha, isagoo shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay ka qeyb qaataan dagaalka lagula jiro kooxda Argagaxisada ah ee Al shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey wax ka beddelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay guulaha...

Soomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Madasha Iskaashiga Geeska Afrika 

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige...

Wasiir Al-Cadaala: “Meydadka Khawaarijta ayaa daadsan Wargaadhi”.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka...

Ciidamada Qaranka oo khasaare ba’an ku gaarsiiyay Khawaarijta Degaanka Wargaadhi

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya kuwa deegaanka ayaa...