Jiddah-(SONNA)- Gabgabadii shirweynihii 5-aad ee Wakaaladaha wararka Islaamka oo lagu qabtay xarunta iskaashiga Islaamka ee magaalada Jiddah ayaa waxaa laga soo saaray mahadnaq ay xubnihii lka qeyb galaya shirkaasi u jeedinayeen Boqorka sacuudiga, ahna u adeegaha labada xaram ee sahriifka ah malik Salmaan bin C/casiis martagelinta uu shirweynahaasi u fidiyay Wakaalaha wararka Islaamka.
Dhambaal mahahnaq ah oo ay ka qeyb galayaashii shirweynahaasi gabagabadii shirka u direen Boqorka ayaa waxay ku amaaneen dowrka wax ku oolka ee boqorku ka qaatay taaba gelinya shirkaaasi oo ay ka soo baxeen qodobo muhim u ah iskaashiga iyo horumarinta howlaha wakaladaha wararka islaamka.
Waxay kaloo ka qeyb galayaasha shirka mahad aan la soo koobin Karin u direen Madaxada kale ee Boqortooyada sacuudiga iyo kuwa iskaashiga islaamka sidii habsamida laheyd oo ay u aagaasimeen ka gun gaaridda shirka iyo waliba martigelinta xubnihii ka qeyb galay shirka, waxayna u rajeeyeen Boqorka iyo guud ahaan shacabka sacuudiga horumar iyo baraare.
Shirweynahaasi mudadii uu socda waxaa waxaa Waakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ay ku guuleysatay in ay xubin ka noqotoGuddigga Maaliyadda ee Wakaaladaha Wararka Islaamka.