Guddoomiye Jawaari oo Xildhibaanada goloha Shacabka ugu baaqay inay u gurmadaan dadka Waxyeelada ay kasoo gaartay Qaraxii shalay

Date:

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa ka hadlay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana uu ugu horeyn tacsi u diray shacabkii ay eheladooda ku geeriyoodeen weerarkaasi bahalnimo isaga oo dhinaca kalena Alle uga baryay inta dhaawaca ah in uu caafimaad deg deg ah siiyo.

“waxaan hor iyo horaan ka codsanayaa Xildhibaannada Golaha  Shacabka iney gurmadaan oo waxa ugu yar oo ay sameynayaan uu yahay iney dhiigooda ugu deeqaan dadka dhaawac ah ee u baahan, sidoo kalena waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa iney gurmadaan dhammaantood, arrintan waa arin anaga oo dhan na saameysa ma ahan Xukuumadda kaliya in laga sugo waa inaan dhammaanteen gurmanaa si loo bad baadiyo dadka dhibaateysan”ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu fariin u diray kooxaha ma naxayaasha ah ee falkan soo maleegay, sidoo kalena shacabka ayuu ugu baaqay iney muujiyaan isku duubni isaga oo dhinaca kale muujiyey in arintan Madaxweyne,Xukuumad,Gole Shacab iyo Aqal Sareba ay ka mideysan yihiin.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu amray guddiyada Amniga,maalliyadda iyo arrimaha dibadda iney kala shaqeeyaan Xukuumadda wax kasta uu gurmad loogu sameyn karo dadka Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu soo gaartay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 79-aad ee Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milatari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Daahfuray Olole Qalliimo Wadnaha Ah Oo Loo Sameynayo 11 Carruur Ah

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray...

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga Gobolka Banaadir oo sameeyay kormeer lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed...