Madaxweynaha JFS oo goor dhow dib ugu soo laabtay Dalka

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro shaqo uu ku kala bixiyay wadamada Jabuuti, Itoobiya iyo Uganda oo ciidamadooda joogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in guulo ay ku soo dhamaadeen dhamaan safaradii dalalkaasi uu ku tagay waxaana uu sheegay in ay ka aqbaleen sidii ay Soomaaliya uga gacan siin lahaayeen dagaalka cusub oo lala galayo maleeshiyaadka Argagixisada SHabaab.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in marna Dowladda Soomaaliya aanay u dulqaadan doonin gumaadka Shabaab ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed,isagoo muujiyaya sida dowladdu ay uga go’antahay in maleeshiyada Shabaab laga xoreeyo guud ahaan Dalka.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa Madaxda Dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti kala hadlay sidii ay kaalin uga geysan lahaa ladagaalanka argagixisada,waxaana uu ka dambeyeey safarkiisa maalmo kadib markii kooxda Shabaab ay xasuuqeen boqolaal shacab ah oo aan waxba galabsan.’

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...