Ra’iisul wasaare Kheyre oo u Ambabaxay Dalka Turkiga

Date:

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa u ambabaxay dalka Turkiga, isagoo casuumaad rasmi ah ka helay dowlada aan walaalanahay ee Turkiga.

Mudane Xasan Cali Kheyre waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale, isagoo inta uu joogo dalka Turkiga lagu wado inuu kulamo la qaato madaxda dalkaasi.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa kulan gaar ah la qaadan doona dhigiisa Turkiga Binali Yıldırım, iyadoo ay ka wada hadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay Soomaaliya, sida dowlada Turkiga ay kaga qeyb qaadan karto dagaalka dalka looga xureynayo Argagaxisada Al shabaab.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare ayaa uga mahad celin doona Madaxweynaha Turkiga gurmadka shacabka iyo dowlada Turkiga ay u sameeyeen shacabka Soomaaliyeed ee waxyeelada ay ka soo gaartay Qaraxii Musiibada ahaa ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa wuxuu booqan doonaa Isbitaalada la geeyay dhaawacyada dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho, 14-kii bishan, sidoo kale wuxuu kulamo la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...