Madaxweyne Ordugan oo Amray diyaarado gurmad ah oo Soomaaliya loo soo diro

Date:

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Turkiga Recep Tayib Erdugon ayaa amray in diyaarado sida gar gaar caafimaad iyo dhaqaatiir ay si deg deg ah ugu ambabaxaan magaalada Muqdisho si ay gurmad ugu sameeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay weerarkii argigixiso ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Warbaahinta Dalka Turkiga oo soo xiganaya afhayeenka xafiiska Madaxweynaha Turkiga waxa ay shaaciyeen in diyaaradahan ay saacadaha soo socda u ambabixi doonaan magaalada Muqdisho ayagoo sida daawo iyo dhaqaatiir .

Gurmadka waxa ay walaalaha Turkiga uga qeyb qaadan doonaan laba siyaabood oo tan koobaad ay tahay iney gurmad caafimaad oo deg deg ah ugu sameeyaan dadka magaalada Muqdisho iyo tan labaad oo ah in dhaawacyada kuwooda culus loo qaado dalka Turkiga si loogu soo daweeyo ayadoo aanan lagu xireyn dhaawacyadaas wax dal ku gal ah (VISA).

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa balanqaady in dalka dibadiisa loo qaadayo dadkii dhaawacyada culus soo gaaray xli manta uu ku booqday isbitalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...