Ra’iisul Wasaare Khayre oo guddi u saaray Qaraxii Isgoyska Zoobe

Date:

Muqdisho, 15 October 2017….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi isagu jira Wasiiro , Maamulka Gobolka Banaadir, Culima’udiin iyo Ururada Bulshada rayidka ah, kuwaas oo ka shaqeyn doona sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii Shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xubnaha Guddiga ayaa kala ah;

Maxamed Abuukar Islow (Ducale) Wasiirka Amniga (Guddoomiye)

Fowziya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaad (Xubin)

Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf Wasiirka Haweenka & Xuquuqal Insaanka (Xubin)

Iimaan C/laahi Cali Wasiirka Diinta iyo Awqaafta (Xubin)

C/rixmaan Cumar Cismaan Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka & Dalxiska
(Xubin)

Maxamuud Xayir Ibrahim Wasiiru dawlaha Maaliyadda (Xubin)

Maxamed Cali Xagaa Wasiiru dawlaha Gaashaandhigga (Xubin)

Mukhtar Mahad Daa’uud Wasiir K/X Arrimaha Dibedda (Xubin)

Ibraahim Isaaq Yarow W/K Xigeenka Boostada &Isgarsinta (Xubin)

Taabid Cabdi Max’ed G/miyaha G/ Banaadir Ahna Duqa Muqdisho (Xubin)

Maxamed Aden Koofi Agaasimaha Hay’adda Socdaalka &Jin (Xubin)

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Dalladda Culimada Soomaaliyeed (Xubin)

Sheekh Cali Wajiis Dalladda Culimada Soomaaliyeed (Xubin)

Diini Maxamed Diini Bulshada rayidka (Xubin)
C/laahi Maxamed Jaamac Shirwac Bulshada rayidka (Xubin)

Cabdi Baaruud (Xog-hayn)

Guddigan ayaa bilaabey howlahooda isku dubaridka aaska qaranka, gurmadka dhaawacyada si dibedda loogu qaado kuwooda cul-culus iyo in bulshada lagala qeyb qaato baroordiiq qaran oo socon doonta muddo saddex maalin ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed iyo xubnaha dawladdu inay ka qeyb galaan gurmadka loo fidinayo dadka ay dhibaatooyinku soo gaareen. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusay dadka qaba dhaawac yada culus in loo qaadi doono caafimaad dibedda ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhinaca ku booqday Isbitaallada Muqdisho dhaawacyadii dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay falkii argagixiso ee 14kii October wuxuna ku caawiyey dhiig, isagoona dhinaca kale booqday goobtii uu qaraxu ka dhacay oo ka muuqday burbur baaxad weyn.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...