Afhayeenka AMISOM “Kolonyo ciidamadeenna ah ayaa waxay la kulmeen qarax iyo dagaal”

Date:

Wararka ka imaanaya deegaanka Carbiska oo u dhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Qarax khasaare dhaliyay lala eegtay ciidamo kolonyo AMISOM ah oo Roondo sameynayay.

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo la xiriirtay Afhayeenka Ciidamada AMISOM Wilson Rono, wuxuu xaqiijiyay in qarax iyo dagaal toos ah ay la kulmeen ciidamada AMISOM, laakiin wuxuu sheegay inuusan xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi.

“Kolonyo ciidamadeena oo marayay meel u dhow degmada Afgooye ayaa waxay la kulmeen qarax iyo dagaal toos ah, iyadoo ciidamada ay sameeyeen iska caabin, lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay weerarka, dib ayaan ka soo sheegi doonaa macluumaadka saxda ah” ayuu yiri Wilson Rono,

Mas’uuliyiinta dowlada ee Gobolka Shabeelaha hoose oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in wali aan la kala cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo dagaalka balse ay wadaan baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...