R/wasaare Khayre oo magacaabay guddiga la socodka tartanka loo galayo Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dowladda

Date:

Muqdisho(SONNA) Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta magacaabay guddi la socda tartanka loo galayo 26ka Agaasime guud ee Wasaaradaha Dowladda Federaalka Soomaaliya kaasi oo ka kooban ilaa 11 xubnood.

Guddigan oo isugu jira mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya iyo ururada Bulshada Rayidka  ayaa guddoon looga dhigay R’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar,kaasi oo shaqadiisu ay noqon doonto in uu la socdo tartanka loo galayo agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Soomaaliya.

11ka Xubnood ee guddigan ayaa kala ah  5 Wasiir ,Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo 5 xubnoo oo ka kala socoda Ururada Bulshada Rayidka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in talaabadan ay qeyb ka tahay daah furnaanta maamulka Hay’adaha Dowladda.

Dhawaan ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu sheegay in tartan loo gali doono xilka Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Soomaaliya,taasi oo haatan fulinteedi ay bilwoday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...