Muqdisho (SONNA) Si ahmiyad loo siiyo ka hortagga dhibaatooyinka loo geysto Haweenka ayaa Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya waxey tababar ku aadan sidii la isaga kaashan lahaa in bulshada ay helaan cadaalad u qabatay xubno ka socday hoogaanka dambibaarista dambiyada ee gobalka Banaadir iyo dowlad-goboleeyada dalka ka jira.
Xubnaha ka socday hogaanka dambibaarista iyo xeer ilaaliyeyaasha dowlad goboleedyada Galmadug Hirshabeelle K/Galbeed iyo Jubbaland iyo gobolka Banaadir ayaa si isku mid ah ugu mahad celiyey macalimiinta tababarka bixinayey iyo wasaraadda Cadaaladda, iyagoo sheegay in si cadaalad ah loo wajaho ahmiyad gaar ahna la siiyo dacwadaha la xiriira dhibaatooyinka loo geysto Haweenka iyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo daah furay Tababarka ayaa sheegay in wasaaraddu ay diyaar u tahay in la hormariyo cadaaladda dalka.
Dhawaan ayey aheyd markii madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sheegay in ahmiyada ugu weyn ay dowladda siineyso in bulshada Soomaaliyeed ay helaan garsoor iyo cadaalad hufan.