Munaasabad Lagu Maamuusayay Maalinta Calanka Soomaaliya Oo Caawa Muqdisho Lagu Qabtay

Date:

Muqdisho,(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaraha Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya, Xubno katirsan goleyaasha dowladda, guddoomiyaha gobalka banaadir, fanaaniin iyo boqolaal dadweyne ah ayaa caawa ka qayb galay munasbad lagu soo bandhigayey Golaha Dhalinyaradda qaranka isla markaana lagu  xusaya maalinta Calanka Soomaaliya oo lagu qabtay garoonka kubadda golayga Aadan Xaaji Yabaroow Wiish ee degmada cabdalcasiis ee gobalka banaadir.

Munaasibadda oo ay wadajir u soo qabanqaabiyeen Wasaradda dhalinyaradda iyo xayaaraha xukumadda Fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka gobalka banaadir ayaa lagu soo bandhigay halgankii iyo taariikhdii calanka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo hadal ka jeedisay munaasibadda ayaa soo bandhigtey magacyada 9 xubnood oo noqon doona Golaha KMG ah oo dhalinyaradda Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay  Wiil naafo ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kahadlay Munaasibadda ayaa bogaadiyay kaalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo u duceeyay dhallinyaradii halgalnka u soo martay xorriyadda Soomaaliya

Guuddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sh Cismaan oo qudbad ka jeediyay munaasibadda ayaa hambalyo u diray umadda Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah dardaaran iyo bogaadin u diray dhallinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Caawa ay tahay habeen aad ugu qiimo badan Shucuubta Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan.

Gabagabadii Xafladda ayaa Ra’sul Wasaaraha Soomaaliya iyo Guuddomiyaha Golaha Shacabka waxa ay wadajir shahaado Sharaf u guddoonsiiyay Qaar kamid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed ee muujiyay dadaalka iyo howl karnimida.

Caawa oo kale, Sanadka walba waxaa dalka laga xusaa maalinta Calanka, waa maalin ka tarjumeysa Qarannimo, Midnimo iyo gumeysi naceyb, 63-sano ayaa ka soo wareegatay markii la sameeyay Calanka Soomaaliyeed, Calankeeda kaas oo leh Sooyaal qiimo badan oo dal iyo dibadba Qowmiyahada Soomaalidu ku faanto.

Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay.

Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu ka tarjumayaa Cirka iyo badda dhulka Somaalida oo mar walba midabkoodu buluug yahay.

Calankan Buluugga ah ee xidigta ka tarjumeysa Soomaliweyn dhexda uga xardhantahay waxaa la sameeyay 12 October, 1954.

Maalintaas wixii ka dambeeyay Soomaalida waxaa ka tarjumayey calankaas, oo ah astaan ka hadleysa Somaliweyn iyo Midnimo qaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr: Aadan Cabdillaahi Aw Xasan oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Wakiilada D/g waqooyi Bari

Dr. Aadan Cabdullahi Aw-Xasan ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha...

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka D/G- ka waqooyi Bari oo ka socota Laascaanood

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Dowlad goboleedka Waqooyi Bari ayaa maanta...

Tacsi: Marxuum Danjire Sharif Mohamed Omar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan...