Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SONNA)  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,  ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian, waxayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada Wadan.

Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya  iyo Safiirka ayaa kulankooda inta uu socday ka wada hadlay isku xirka  Baarlamaanada Soomaaliya iyo Shiinaha , mashaariicda lagu horumarinayo Golaha Shacabka Soomaaliya iyo arrimo kale sida  kulanka ka dib uu warbaahinta Dowladda  u sheegay Cabdi kariin Xaaji Cabdi buux oo ah Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa waxaa ka dhaxeeya Xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan isugu jira, iyadoo Dowladda Shiinaha ay Soomaaliya ka taageerto waxyaabo ay ka mid yihiin dhinacyada waxbarashada.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...