Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SONNA)  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,  ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian, waxayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada Wadan.

Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya  iyo Safiirka ayaa kulankooda inta uu socday ka wada hadlay isku xirka  Baarlamaanada Soomaaliya iyo Shiinaha , mashaariicda lagu horumarinayo Golaha Shacabka Soomaaliya iyo arrimo kale sida  kulanka ka dib uu warbaahinta Dowladda  u sheegay Cabdi kariin Xaaji Cabdi buux oo ah Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa waxaa ka dhaxeeya Xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan isugu jira, iyadoo Dowladda Shiinaha ay Soomaaliya ka taageerto waxyaabo ay ka mid yihiin dhinacyada waxbarashada.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...

Soomaaliya oo soo Dhaweysay Is-fahamka iyo Is-afgaradka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayay ku soo...