Midowga Afrika oo Deeq gargaar ah ku wareejiyey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA)  Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha  Soomaaliya Danjire Madeira, ayaa sheegay in Deeq ka kooban Bariis, Sokor, Digir, Saliid iyo noocyo kale oo Raashin ah ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isagoo guddoonsiiyey Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee XFS, Mudane Maxamed Macalin.

Danjire  Fransisco Madeira, Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha  Soomaaliya ayaa sheegay in deeqaan ay katimid Midowga Afrika, waxaana uu xusay in  loogu tala galay in lagu caawiyo dadka abaaraha ay saameeyeen ee ku nool gobolada dalka Soomaaliya.

Danjre Madeira ayaa Barrtiisa Twitter-ka ku qoray in deeqda ka timid Midowga Afrika ee loo soo diray Soomaaliya ay tahay 67 tan,  Qarash ahaana ay ku baxday Lacag dhan 100,000 oo Lacagta Mareykanka ah, isagoo tilmaamay in Midowga Afrika  ay ka go’an tahay garab istaaga Ummadda Soomaaliyeed.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo salaadda janaasadda ku tukaday AUN  Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (NAPDA)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo soo baxday

1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay Shirka...

Wasiirro ka tirsan XFS oo sagootiyay xujeydii ugu horraysay ee Soomaaliyeed ee Sanadkaan

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd garoonka...