Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS oo tababar usoo xiray Qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaraddaasi

Date:

Muqdisho (SONNA)   Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Saalim Caliyow Ibroow, ayaa isagoo la hadlayey Warbaahinta Dowladda ka warbixiyey qaar kamid shaqaalaha wasaaradaasi oo maanta tababar loogu soo gabagabeeyey  Magaaladda Muqdisho.

ku dhowaad 20 kamid ah shaqaalaha wasaaradda ayaa soo loo gabagebeeyay tababbar kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha, Wasiir Saalim ayaana sheegay in ujjeedka tababarkaasi  uu yahay  siddii sare loogu qaadi lahaa  aqoonta Shaqaalaha wasaaradda, isagoo  Shaqaalaha ku adkeeyay in ay ku dadaalayaan sidii ay u kobcin lahaayeen aqoontooda, isla markaana madaxda wasaaraddu arrintaas ku gacan siin doonaan.

Tababbarka ayaa shaqaalahan u socday muddo ku siman toddobaad, waxaana uu qeyb ka yahay qorshaha lagu tayaynayo dhammaan shaqaalaha wasaaradda sida ay sheegeen mas’uuliyiinta wasaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....