Daahir Amiin Jeesow“Shacabka iyo Ganacsatada waa inay ka qeyb qaataan Dhismaha Ciidamada xooga dalka”

Date:

Muqdisho (SONNA) Daahir Aamiin jeesow oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya Xubina ka ah Guddiga Amniga Baarlamaanka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga wada qeyb qaato dhismaha Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Daahir Aamiin jeesow  ayaa tilmaamay in Dal kasta uu dhisto Ciidankiisa taasina ay tahay in Ciidamadda Xoogga Dalka  Soomaaliyeed aysan dhisi karin Dowladdo iyo hay’addo shisheeye iyo hay’addo loogana baahan yahay Shacabka Soomaaliyeed ka qeyb qadashada Ciidamada Xoogga Dalka.

Waxaa uu tilmaamay in aysan macquul ahayn inaan gacmo shisheeye laga sugin dhismaha,qalabaynta iyo Xoojinta Ciidamadda Xoogga Dalka iasgoona ugu baaqay shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka qeyb galaan dhismaha Ciidamada Xoogga si loo helo Qaran Xooggan oo difaacda dhamaan Xaduudihiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...