Dab xoogan oo sababay dhimashada 10 qof oo ka kacay Mareykanka

Date:

Mareykanka(SONNA) Gobolka California ee Dalka Mareykanka ayaa lagu so warramaya in ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen dab xoog leh oo ka soconaya meelo badan oo ka mid ah gobolka California ee Wadankaasi Mareykanka,sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gobolkaasi California.

Hay’adda qaabilsan  maareynta dabka ee California ayaa sheegtay in sidoo kale uu dabku baabi,iyay in ka badan 1,500 oo guri iyo dhismooyin ganacsi,waxaana guriyohooda ka barakacaya kumanaan qof.

Wararka ayaa sheegaya In ilaa  20,000 kun oo ruux laga daad gureeyay meelaha uu sida aadka ah u ugu sii fidayo dabka,si loo bad baadiyo noloash adadkaasi.

Jerry Brown oo ah guddoomiyaha gobolka California ayaa xaalad deg deg ah kusoo rogay magaalooyinka Napa, Sonoma, iyo Yuba counties si looga fogado fiditaanka saameynta dabkaasi.

Gobolada Dalka Mareykanka ayaa inta badan waxaa ka dhaca Musiibooyinka dabiiciga ah,dhawaan ayay ahayd markii qeybo kamid ah Gobolada Dalkaasi ay saameeyeen Duufaano xooggan,kuwaasi oo sababay khasaarooyin naf iyo maalba leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...