Soomaliya oo ka qeybgashay shir ka furmay Koonfur Afrika

Date:

Johansberg(SONNA) Kulanka furitaankiisa waxaa marti ku ahaa Madaxweynaha Dalka Sahraawi,gudgoomiyaha baarlamaanka ee dalka Chad,Wefdi ka socoda Soomaaliya Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka South Afrika iyo marti sharaf kale oo ka kala socday hey’ado iyo dowlado kale oo caalami ah.

Inta uusan kulanka furmin ayaa waxaa xarunta kulanka lagu dhaariyay xillibaanada cusub ee ka mid noqonaya xubnaha baarlamaanka Afrika, waxaana ka mid ahaa afar xilldhibaan oo ka socday Golaha Shacabka Soomaaliyeed,kuwaasi oo Baarlamaanka Afrika ku matalaya Soomaaliya.

Xildhibaanada la dhaariyay ayaa markii uu kulanka furitaanka soo dhamaaday waxaa ay la hadleen Waraahinta waxayna  sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in Golaha Shacabka Soomaaliyeed ay ku matalaan Golaha Baarlamaanka Afrika.

Xillibaanada ka socda dalalka Bariga Afrika ayaa kulan gaar ah ku yeelan doona inta uu socdo kulanka waxaana shir guddoominaya xildhibaan Cabdi casiis c/llaahi Maxamed oo ka mid ah shanta xubnood ee ka socda Golaha Shacabka Soomaaliyeed waxaana xillkaan ay Soomaaliya soo heysay sanadahii ugu dambeeyay.

kulanka ayaa waxaa uu socon doona labada isbuuc ee soo socda,iyado  xidhibaanada ay ka doodi doonaan qodobo dhowr ah oo hor yaala.

C/laahi Maxamuud Amiin(C/laahi Qorshe)

Johannesburg South Africa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...