Xisaabiyaha Guud ee Qaranka oo xilka la wareegtay.+(SAWIRRO)

Date:

Muqdisho(SONNA) Waxaa maanta sirasmi ah xilka ula wareegtay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Marwo  Faadumo Cusmaan Faarax oo dhawaan xilkaasi ay u magacaabeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Munaasabada xil wareejinta waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya,mas’uuliyiin ka socotay Madaxtooyada Soomaaliya,Xafiiska Raiisul Wasaaraha Soomaaliya, maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Axmed Yuusuf Muumin(Siraaji) ayaa sirasmi ah xilkaasi ugu wareejiyay Xisaabiyaha Guud ee Cusub,iyadoo balanqaday in waajibaadkii loo igmaday ay si hufan u gudan doonto.

Dhamaan mas’uuliyiintii ka qeybgalay xil wareejintaasi ayaa ku booriayay Marwo Faadumo Cusmaan Faarax,Xisaabiyaha Guud ee Qaranka in ay dardargeliso waajibaadka ay la wareegtay,islamarkaana u rajeeyey in uu eebe uu ku guuleeyo xilka loo magacaabay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...