Xisaabiyaha Guud ee Qaranka oo xilka la wareegtay.+(SAWIRRO)

Date:

Muqdisho(SONNA) Waxaa maanta sirasmi ah xilka ula wareegtay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Marwo  Faadumo Cusmaan Faarax oo dhawaan xilkaasi ay u magacaabeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Munaasabada xil wareejinta waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya,mas’uuliyiin ka socotay Madaxtooyada Soomaaliya,Xafiiska Raiisul Wasaaraha Soomaaliya, maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Axmed Yuusuf Muumin(Siraaji) ayaa sirasmi ah xilkaasi ugu wareejiyay Xisaabiyaha Guud ee Cusub,iyadoo balanqaday in waajibaadkii loo igmaday ay si hufan u gudan doonto.

Dhamaan mas’uuliyiintii ka qeybgalay xil wareejintaasi ayaa ku booriayay Marwo Faadumo Cusmaan Faarax,Xisaabiyaha Guud ee Qaranka in ay dardargeliso waajibaadka ay la wareegtay,islamarkaana u rajeeyey in uu eebe uu ku guuleeyo xilka loo magacaabay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Baarlamaanka Dalka oo ka dooday cutubka 6-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya

War-murtiyeedka Midowga Afrika ayaa si cad u cambaareeyay, una...

Wasiirka Gaashaandhigga oo hambalyo u diray Ciidanka Cirka sanad-guurada 66-aad ee aas-aaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Hambalyo u diray Ciidanka Cirka Xuska Sanad-guuradii 66-aad

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...