Shir looga hadlayo saameyn abaarta iyo sida looga kabsan karo oo Muqdisho ka furmay”Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Shirkan oo  looga hadlayo habka qiimeynta saameynta abaaraha iyo sida looga soo kabsan karo ayaa ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka waxaa ka qeyb galaya madax ka socota dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka, waxaana la qorsheeyey in uu socdo muddo sadex maalin ah.

Dhinacyada ka qeyb galaya oo beesha caalamka ay qeyb katahay ayaa mudda uu soconayo shirka waxa ay kaga doodi doonaan sidii ka hortag loogu sameyn lahaa abaaraha soo noq noqday.

Wasiirka Gargaarka Drs Maryan Khaasim iyo wasiirka qorsheynta ayaa kamid ah masuuliyiinta dowladda eek a qeyb galay shirka, waxaana ay talooyin ka bixiyeen ahmiyadda ay leedahay in laga shiro sida looga soo kabsan karo saameynta abaarta.

Gaba gabada shirka waxaa la filayaa in laga soo saaro talooyin muhiim ah oo wax ka taraya in kahortag lagu sameeyo abaarta, si aaney u badan saameynta ay ku yeelato dadka Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...