R/Wasaare Khayre oo ka Tacsiyeeyey Geeridii Marxuum Gen. Badmaceeye

Date:

Muqdisho, 07 October 2017…..Ra’iisul Wasaaraha Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Saraakiil iyo Siyaasiyiin ayaa ka qeyb galay salaadda Janaasada ee Marxuum Gen. Maxamed Sheekh Cismaan (Badmaceeye) oo dhowaan ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tacsi u diray eheladda, qarabada iyo guud ahaanba bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku, isagoona ALLE uga baryey in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo.

Marxuumka ayuu ku tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu inuu ahaa shaqsi qiimo weyn ku dhex lahaa Ciidanka Xoogga iyo guud ahaan-ba dalka. Waxaanu yiri “Innaa LI-LAAHI, wa innaa ILLAAHI RAAJICUUN. Marxuum Jen. Maxamed Sheekh Cismaan (Badmaceeye) ILLAAHAY (SWT) ha u naxariisto, wuxuu ahaa nin weyn oo dalka iyo dadkaba qiimo ugu fadhiyay, Ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday iyo kuligeen-ba ILLAAHAY (SWT) Samir iyo iimaan haka siiyo”.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa sheegay in Marxuum Jeneral Badmaceeye uu ahaa shaqsi jecel wadankiisa. Isla markaana uu kamid ahaa Saraakiishii Ciidanka XDS oo nidaamka dawladnimada ee Soomaaliya kaalin fiican ka soo qaatay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...