Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in ay soo daabacayso Lacag cusub oo shilin Soomaali ah

Date:

Muqdisho(SONNA):–Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Bayle oo marti ku ahaa Barnaamijka Kulanka todabaadka oo si toos ah ugu baxo SNTV iyo Radio Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan soo daabacayso Lacag cusub oo shilin Soomaali ah taasoo sida uu sheegay Wasiirku lagu howlan yahay shaqadeeda.

Wasiir C/raxmaan ayaa tilmaamay in Samaynta Lacagtaan cusub ee shilin Soomaaliya ah ay ka gacan siinayso Dowlaadda Soomaaliya Hay’adda Lacagta Aduunka ee Magacaceeda loo soo gaabiyo IMF iyo Bankiga Aduunka.

C/raxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in lacagtaani ay wax weyn ka badali doonto kobaca dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya ayna muhiim tahay soo daabicida Lacagtaasi.

Wuxuu sheegay Wasiir Beyle iney sameynta lacagta cusub ay kala kaashan doonaan dad quburo ah oo isugu jira Ajaaniib iyo Soomaaliya,kuwaasoo Muqdisho soo gaaraya.

Hadalkaan Wasiir Bayle ayaa kusoo beegmaya xili Lacagihii qaranka Soomaaliya uu ka haray Kunka shilin Soomaaliga, waxayna bulshadu baahin weyn u qabaan dib u soo noolaynta Lacagihii uu la haan jiray Qaranka Soomaaliyeed.

Dhanka kale,Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo wax laga weydiiyay Arimaha canshuuraha ayaa sheegay iney wadaan qorshe lagu mideynayo canshuuraha laga qaado Gobolada dalka Soomaaliya.

Sidoo kale,Wasiir Beyle ayaa carabka ku dhuftay in labada todobaad ee soo socda gudahooda ay ku bixinayaan mushaaraadka iyo xuquuqda kale ay leeyihiin Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya,isagoo dhanka kale shaaciyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso waqtiyada ugu dhow iney ka maaranto kaalmada dibada kaga imaaneyso ee lagu xirayo musharaadka shaqaalaha Dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...