Booliska Talyaaniga oo qabtay qalab Militari oo loo dhoofin lahaa Soomaaliya

Date:

Florence(SONNA)–Ciidanka Booliska Talyaaniga ayaa Arbacadii la soo dhaafay fashiliyay islmarkaana soo qab-qabtay Ururka ama shabakad safrineysay qalab Millitari, ayna ka dhoofinayeen Talyaaniga, kuna socday Soomaaliya.

Dadkii la soo qabtay oo ka koobnaa 4 Rag ah, ayaa 3-ka mid ah yihiin Soomaali, halka ninka kalena uu yahay Talyaani, waxaana laga qabtay Magaalada Florence, waxyaabaha la qabtay ayaa waxa loo ekeysiin karaa Dharka ay qaataan Booliska Soomaliyeed, sida ay Wakaaladfda Wararka Talyaaniga ee ANSA u sheegeen Booliska.

Kooxahan ayaa lagu tuhunsan yahay inay xiriir dhow la leeyihiin ama ku tiirsan yihiin shabakad ka kooban Darawalo wada gawaarida Xamuulka iyo Wakiilada Shariikadaha Maraakiibta ee Tuscany, Campania, Calabria, Emilia-Romagna iyo Sicily.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...