Madaxweynaha Puntland oo Abaalmariyey Qeybo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Amaanka “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA)  Madaxweynaha Dowlada goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa abaalmarino Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku guddoonsiiyey Qeybo kamid ah Saraakiisha Ciidamada gaar ahaan ciidamada ilaalada Xeebaha   iyo booliiska maamulkaasi.

Abaalmarinta  uu Madaxweynaha Maamulka Puntland gudoonsiiyey qeybo kamid ah Saraakiisha ciidamada waxa ay ka dambeeysay  kadib markii ciidamada amaanka Puntland ay fashiliyeen weeraro iyo qaraxyo la doonayey in lagu dhibaateeyo Ummadda Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidamada Dowlad goboledka Puntland Janaraal Saciid dheere,  ayaa sheegay in abaalmarinadan ciidamada ay ku mutaysteen shaqooyinka dhibka badan ee har iyo habeen ay hayaan, waxaana uu xusay in cutubyada la dagaalamayo Maleeshiyada Argagixisada ah ee Alshabaab ee jooga jiida hore ee Difaaca  markooda la abaalmarin doono.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in ciidamada u baahanyihiin daryeel iyo dhiiri gelin, si ay cadowga uga guuleystaan, waxaana uu ugu mahadceliyey difaaca ay kaga jiraan goobaha cadowga goor walba lagula dagaalamo.

Waa markii ugu horreysey oo munaasabad noocan ah loo Qabto cutubyo katirsan Ciidamada amaanka Puntland oo tan iyo bartamihii bishii aan kasoo gudubney heegan lageliyey,  kuwasi oo howlgalo lagu guuleystay ka sameeyey Magaaladda  Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed.

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo...

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...