Kulan looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Xudur

Date:

Xudur(SONNA)–Kulan oo looga hadlayay Amaanka iyo xasiloonida Gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya kana mid ah deegaanada hoose yimaada maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool.

Shirkaan ayaa waxaa soo agaasimay maamulka degmada, waxaana goobj oog ka ahaa Ma’suuliyiinta degmada,Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, ayaa waxaa Xoogga lagu saaray Iskaashiga Amaanka Xudur iyo guudahaanba xaaladda Gobolka Bakool.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Bakool Maxamed Xasan C/raxmaan ayaa soo sheegaaya in kulanku inta uu socday laysku waydarsada xogo ku saabsan in la iska kaashado Amaanka iyo horumarinta Gobolka.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Gobolka Bakool waxaa ay ka wadaan guluf dagaal oo maleeshiyaadka Nabad diidka Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga harsan yihiin Gobolkaasi, iyadoo ay jirto in maleeshiyaadku ay jareen Waddooyinka soo gala Magaalada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool, si ay u dhibaateeyaan Shacbiga ku dhaqan Deegaanadaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...