Mid ka mid ah Xiddigihii Waabari oo xaflad soo dhawayn ah loogu sameeyay Muqdisho+Sawirro

Date:

Muqdishu-(SONNA)- Xaflad lagu soo dhaweynayay fanaanadda caanka ah Maryan mursal Ciise oo ka mid ahayd Fannaaniinta heerka 1aad ee dalka ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xafladda soo dhaweynta fanaanada Maryan Mursal oo ay si wada jir ah u soo qabanqaabiyeen Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Xildhibaanad Khadiijo Max’ed Diiriye iyo Sarreeye Guud Bashiir max’ed Jaamac waxaana ka soo qayb galay gudoomiyaha golaha aqalka sare ee Soomaaliya mudane cabdi xaashi Cabdulaahi gudoomiye ku xigeenka 2aad golaha shacabka soomaaliya mudane Mahad Cabdala Cawad , xubno ka mid ah labada aqal Baarlamaanka ,golaha wasiirada,Xeer ilaaliyaha qaranka , gudiga doorashooyinka heer qaran Taliyayaasha ciidamada Qalabka sida iyo masuuliyiin kale.

ugu horayn waxaa ka soo qaybgalayaasha hadallo soo dhoweyn u soo jeediyay sareeye guud Bashiir Maxamed Jaamac,waxaana fanaaniintu ay halkaas ku soo bandhigeen suugaan kala gedisan

Sidoo kale waxaa si faahfaahsan uga hadlay qiimaha fannaanadda maryan Mursal Gudoomiye ku xigeenka 2aad Golaha Shacabka Soomaaliya mudane Mahad Cabdala Cawad,Wasiirka arimaha dibadda iyo dhalinyarada iyo isboortiga yuusuf garaad cumar iyo xildhibaanad Khadiija maxamed diiriye,Generaal Cabdulaahi Gaafoow Maxamud iyo masuuliyiin hore dalka xilal uga soo qabtay.

Dhanka kale Fanaanada Maryan Mursal Ciise ayaa xaflada lagu soo dhoweynayay ku soo bandhigtay hadallo qiira leh iyo heeso ka soo qaybgalayaasha munaasabadda ku reebay xusuus.

Gaba gabadii xafladda waxaa ka hadlay Gudoomiyaha aqalka sare Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi waxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsansan yahay in mudo dhowr iyo labaatan sano ah ka dib uu Caasimadda dalka ee Muqdisho kula kulmo fanaanadda heerka qaran Maryan Mursal Ciise isagoo xusay gudoomiyuhu in abwaanno iyo fanaanin Qaran ay dayac u dhinteen, Fanaaniinta soomaaliyeedna wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin wadaniyiin.

Maryan Mursal Ciise Bootaan oo ka mid ah Xiddigihii Hobaladii Qaranka ee waabari ayaa dhowaan soo gaartay Caasimadda Muqdisho, kadib safarro ay ku soo kala bixisay qaar ka mid ah gobolada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...