Guddoomiye Jawaari oo booqday xarunta Al Azhar Al Shariif “SAWIRRO”

Date:

Qaahira(SONNA)-Wafdi uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo dhowrkii maalin ee ugu dambeysay ku sugnaa magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar ayaa maanta  tagay xarunta Al Azhar Al Shariif ee magaalada Qaahira, halkasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Kulanka guddoomiyaha Golaha Shacabka uu la qaatay Sheekhul Azharka dalka Masar oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka qeybna ka ah wafdiga guddoomiyaha ayaa waxaa looga hadlay sidii dowladaha Soomaaliya iyo Masar ay u sii xoojin lahaayeen xiriirkooda wada shaqeynta iyo iskaashiga ku dhisan ee soo jireenka ah.

Shirka waxaa kaloo diiradda lagu saaray sidii dowladda Masar ay talooyin iyo qubaro dhinaca sharciga uga taageeri lahayd Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiqaadir Sheekh Cali Baqdaadi oo ka mid ah wafdiga Guddoomiyaha ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen Sheekh Azharka Masar ay kaga wada hadleen arrimo u badan sidii Golaha looga taageeri lahaa dhanka sharciga.

“Maanta waxaan la kulanay Sheekh Azharka Masar oo aan ka wada hadalnay inay naga taageeraan dhanka sharciga, in sharciyada aan sameyneyno ay soo soo diraan quburo oo sharciga gacan naga siinaya, in tallooyin ay naga siiyaan sharciyada qaar ee lagu qarayo Carabiga, weyna naga aqbaleen, guddi ayaana loo xilsaaray oo arrintaasi ka soo shaqeyn doono” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiqaadir.

  

Cadnaan + Guudle

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Golaha Shacabka oo baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleedka Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...