Howlgal xalay laga sameeyay degmada Yaaqshiid

Date:

Muqdisho (SONNA) Ciidanka xasilinta amniga caasimadda, ayaa xalay howlgalo waxa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Juungal ee degmadaas, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Howlgalka ayaa u jeedkiisu ahaa xaqiijinta amniga caasimadda, iyadoo ciidanka intii ay howlgalkaas ku guda jireenna la arkayay iyagoo aad u feejigan isla markaana dadka xaafadaha ku sugan ula dhaqmaya si wanaagsan.

Xaafadaha howlgalada xalay ciidanka amniga ka sameeyeen, ayaa waxaa ku sugnaa maamulka degmada Yaaqshiid, waxaana ciidanka guri guri u baareen xaafadda Juungal ee degmadaas.

Ciidanka amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa intii howlgalka ay wadeen waxaa ay soo qab qabteen dad la tuhunsanaa oo dhalinyaro u badan hase ahaatee baaritaano lagu sameeyay dadkaas intooda badan waa la sii daayay.

Tan iyo markii la bilaabay howlgalada ay sameynayaan ciidanka xasilinta caasimadda ayaa si weyn waxaa u soo hagaagay ammaanka magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo shir deg deg ah ka yeeshay amniga Doorashada

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano),...

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...