Ilhaan Cumar”Xayiraadii dhanka socdaalka ee Trump xalkeedi ayaan ku jirnaa”

Date:

Minnesota(SONNA) Kulankani ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee Mareykanka ayaa waxaa wada yeeshay Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo kamid ah xildhibaanada laga soo doorto Gobolka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed oo ay wehliyaan qaar kamid ah bulshooyinka ka soo jeeda wadamada Geeska Africa.

Mudadii uu socday kulankani oo ay soo qaban qaabisay Ilhaan Cumar ayaa waxyaabaha diiradda lagu saarey waxaa kamid ah,sidii loo wajihi lahaa wax ka qabashada saameyntii ay ku yeelatay go’aankii dhanka  socdaalka ilaa 6 dal oo Soomaaliya ay ku jirto oo uu soo saarey madaxweyne Donald Trump,caawinaada kaladuwan oo ay helaan dadkaasi hadii ay ahaan lahayd dhinacyada Caafimaadka,fursadaha shaqo iyo guud ahaan adeeg yada muhiimka ah oo ay dadkani uga baahan yihiin Dowladda.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in ay ku dadaalayso sidii xafiiskeeda uu uga shaqeyn lahaa in Soomaalida loo fududeeyo xagga socdaalka,hanoqdaan kuwa dalka jooga oo aqoonsigooodi uu dhacsanyahay balse u baahan in loo cusboonaysiyo,kuwa eheladoodi soo booqanaya iyo kuwa kale ee doonaya in dalka  ay yimaadaan,waxaana goob joog ka ahaa qaar kamid ah Qareenada dhanka socdaalka ee ka howlgala Gobolka Minnesota.

“Waxaa soo qaban qaabiyay kulankani xafiiskayga,waxaan ugu talagalaynay in lagu caawiyo Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo dadka kale oo geeska Africa ka soo jeeda sida Oromada oo xaafaddaan degan,waxaana warbixin looga dhageysanayay dhibaatooyinka dadkani haysta iyo sidii loogu doodi lahaa in xuquuqdoodi ay helaan,qareeno ayaan ka qeybgelinay,waxaana kala hadli doonaan Dowladda in cabashooyinkoodi wax laga qabto”, Ayay tiri xildhibaan Ilhaan Cumar.

Tan iyo markii Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed ay ku guuleysatay xilkan loo doortay ayaa waxaa ay wadday qorshayaal iyo dadaalo ku aadan sidii ay u raadin lahayd xuquuqaadka ka maqan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool deegaanka laga soo doorto iyo guud ahaan bulshooyinka kale ee la nool Soomaalida,waana kulan sanadkiiba 2 mar ay qabato.

Liibaan Xuseen 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...