Gudoomiyaha Golaha shacabka JFS oo kulan la qaatay dhigiisa Masar”Sawirro”

Date:

Qaahira(SONNA)-Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalinkii labaad booqasho rasmi ah ku jooga Magaaladda Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa maanta xarunta golaha baarlamaanka dalkaas kulan gaar ah kula qaaatay gudoomiyaha golaha Baarlamanka ee dadka Masar.

Labada gudoomiye ayaa ka wada hadlay xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee soomaaliya iyo Masar iyo sidii labada baarlamaan ay iskaashi wada shaqeyneed ay u yeelan lahaayeen iyo sidoo kale guud ahaan iskaashiga labada Baarlamaan.

Sidoo kale labada gudoomiye ayaa wada yeeshay kulan ay goob joog ahaayeen gudoomiyaasha gudiyada joogtada ah ee labada Baarlaamaan, ayagoo  isku dhaafsaday aragtiyo ku saabsan horumarinta labada baarlamaan,waxaana isla goobta ay labada gudoomiye ku wada saxiixdeen heshiis ku saabsan wada shaqeyn iyo sidii ay isku dhaafsan lahaayeen aragtiyada lagu horumarinayo  Baarlamaanada labada Wadan.

Intaasi ka dib gudoomiyaha golaha shacabka iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galay kulan qada sharaf ah oo uu gudoomiyaha  baarlamaanka dalkan masar ugu sameeyay xarunta baarlamaanka Masar ,waxayna wafdiga gudoomiyaha ay sidoo kale booqdeen madxaf taariikho kala duwan ay yaalaan oo ku yaala Magaalada tan Qaahira.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...