Dowladda Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay Qaraxii maanta ka dhacay Degmada X/weyne ee G/banaadir

Date:

Muqdisho (SONNA) 28 September 2017 —Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay falkii ay maanta kooxda nabad-diidka ah ee argagaxisada Al-Shabaab ku dileen shacab aan waxba galabsan.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo la dhigay Kaalinta Shidaalka Ceelgaab hortiisa ayaa qarxay galabta oo gaari caasi ah oo rakaab shacab ah siday la kulmay qaraxaas oo 7 ruux ay u geeriyoodeen, halka 8 uu dhaawac ka soo gaaray. Ciidanka amniga ayaa isla markiiba u gurmaday oo dhaawacii la geeyey isbitaalada si loo dhabiibo.

Kooxaha argagaxisada ayaa caadeystay inay shacabka bar-tilmaameystaan, tanoo ah fal fuleynimo ah oo ay ku raadinayaan in Al-Qaeda u sheegaan inay weli Soomaaliya joogaan.

Dowladda Federaalka ayaa si kulul u cambaareysay falkan argagaxisadu la beegsatay shacab aan waxba galabsan.

Dowladda ayaa qoysaskii iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeysey intii ku geeriyootay, una rajeysey inta dhaawaca noqotay inuu EEBBE u fududeeyo oo ay caafimaad waara helaan.

Kooxaha argagaxisada ayaa ka soo horjeeda horumarka dhanka amniga ee isa-soo taraya, waxeyna rabaan in shacabku argagaxo oo dowladnimada iyo nabadu wiiqdo.

Dowladda Federaalku wey ka go’antahay inay laba jibaaraan dadaalkooda sugida amniga iyo nabadeynta oo falalka noocan oo kale ah waxey keeneysaa in la xoojiyo amniga iyo nabadeynta. Kooxda argagaxisada oo naf ka bideysa qaraxna, waxey ogaanayaan in shacabka iyo Dawalddu geesinimo ka sii qaadayaan oo meel looga soo wada jeesanayo.

DHAMMAAD

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska

media@moi.gov.so

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xamarjajab,Waabari iyo Cabdicasii oo saakay ay kasocoto diiwaangelinta codbixiyaasha

Degmooyinka Xamarjajab,waabari iyo Cabdicasiis ee gobolka Banaadir waxaa saakay...

Wasiirka Maaliyadda iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Washington

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan...

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya oo maanta ka furmaya Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa maanta ka...

GUDDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY GUDDOOMIYAHA GOLAHA AQALKA SARE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...