Qarax dad Shacab ah ay ku waxyeeloobeen oo ka dhacay Degmada Xamar weyne ee G/banaadir

Date:

Muqdisho (SONNA)  Todobo Qof ayaa ku dhimatay Lix qofna way ku dhaawacmeen Qarax galabta ka dhacay Degmadda Xamar weyne ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Maqaaxi  aan  sidaasi uga fogeyn Beerta nabadda oo  la yiraahdo Isa-saar.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA la hadlay ayaa sheegay in Qaraxaasi ay ku dhinteen 7 qof 6 kalana ay ku dhaawacmeen, isagoo xusay in Ciidamada Amaanka Soomaaliya ay goobta gaareen qaraxa markii uu dhacay kadib, si ay ugu gurmadaan dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Waxaa kale oo uu sheegay in dhammaan dadkii  Qaraxaasi dhibka uu kasoo gaaray  ay ahaayeen dad Shacab ah oo aan waxba galabsan, waxaana uu tilmaamay in Argagixisada ay diidan yihiin Horumarka ay hiigsaneyso Caasimada iyo Nabadda Shacabka Soomaaliyeed ay darreemayaan, gaarigii qaraxa loo addeegsaday ayuu Afhayeenka  ku sheegay in uu ahaa Nuuca loo yaqaano Premio.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxan ayaa la gaarsiiyay goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho, Intaas kaddibna gaadiidka Nadaafadda gobolka Benaadir ayaa goobta soo gaaray, kuwaasi oo waddada ka bilaabay howlo nadaafadeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo la kulantay agaasimaha hay’adda socdaalka dalkaas

Safiirka Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare, ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kulan la qaatay Saraakiil ka socotay Hay’adda GIST

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Sulayman Maxamed Maxamuud...