Madaxweyne ku-xigeenka Labaad ee Jubba Land oo kormeeray howsha ka socota Garoonka diyaaradaha Kismaayo +Sawiro

Date:

Madaxweyne Ku Xigeenka Labaad ee Maamul Goboledka Jubbaland oo ay Wehlinayaan Gudoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Lataliyaha Madaxweynaha Jubbaland dhanka Xiriirka Calamiga, Taliye Ku xigenka Hay’ ada Nabad Sugida iyo Sirdonka Jubbaland ayaa Saaka howlo Kormeer Shaqo ku Tagay Garoonka Diyaaradaha Magalada Kismaayo.

Madaxweyne Ku Xigenka Labaad iyo Xubnaha La Socday iyo Mareeyaha Groonka Diyaradaha Kismaayo ayaa Soo Kormeeray Dhamaan Qeybaha Kala Duwan ee Garoonka Diyaradaha Magaalada Kismayo oo Dhowaan Lagu Soo Kordhiyay Qalab casri ah,iyagoona howlwadeenada ka Xog wareystay Qaababka Kala Duwan Ee ay Ku Shaqeeyaan qalabka.

Madaxweynaha ayaa Sido kale Soo Kormeeray Xaruntii UN-Ka ay Horay uga Daganaayeen Garoonka Diyaradaha Kismaayo oo hada ay Ka guureen Taasoo dhamaan Qalabkii yaalay Lagu wareejiyay Maamulka Garoonka Diyaaradaha Kismaayo.

Kormeer iyo Soo Indho indheyn ka dib ayaa Madaxweyne Ku Xigenka Labaad  iyo Xubnihii La Socday Waxay Kulan La Qaateen Dhamaan Shaqalaha Garoonka Diyaradaha Kismaayo.

Mareeyaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo C/laahi Adan Maxamuud Jagadoon ayaa madaxweynaha iyo Xubnihii La Socday Oga Warbixiyay Howlaha Shaqo Ee Garoonka Kismaayo iyo talaabooyinka Kala Duwan ee Maamulka Garoonka uu Ku Soo Kordhiyay.

Lataliyaha Madaxweynaha Jubaland dhanka Xiriirka Caalamiga Maxamed Cabdi Nuur Casoowe ayaa Mamulka Garoonka Kismaayo Ku amaanay Talaabada Dhanka Horumarka Leh ee Garoonka uu Garsiiyay.

Gudomiyaha Gobolka Jubada Hoose C/Rashiid C/laahi Gooni ayaa Sheegay in isha ay Marqaati ka tahay Horumarka ka muuqda Garoonka Diyaradaha Magalada Kismayo Waxuuna Amanay Ciidamada Amniga Maamul Goboleedka Jubbaland.

Ugu Danbeyntii Madaxweyne Ku Xigenka Labad ee Maamul Goboleedka Jubbaland Mudane Cabdi Qaadir Xaaji Maxamuud ayaa Sheegay in Shalay iyo maanta bilicda Garoonka ay Kala Duwan tahay Maantana uu Horumar Weyn Sameynaayo Wuxuuna amaan Dul Dhigay Dhamaan Shaqaalaha Garoonka Iyo Mamulkiisa intaba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Hirshabeelle oo cambaareeyay qaraxii ay khawaarijta ka fuliyeen Baladweyne

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali...

Wasiir Biixi oo la kulmay agaasimaha hay’adda horumarinta caalamiga ah ee UK

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan...

Guddiga madax bannaan ee doorashooyinka oo shahaado guddoonsiiyay ururka midowga Soomaaliya

Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Imaaraadka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...