Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo daah furay diiwaan gelinta KMG ah ee Xisbiyada Siyaasadda Dalka

Date:

Si ay sharci u fududeeya howshooda u helaan xisbiyadda siyaasadeed ee dalka ayaa Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka wuxuu ku guuleystay in la furo diiwan gelinta KMG ah ee Xisbiyada siyaasadda dalka, waxaana guddigu soo bandhigay foomamka diiwaan gelinta KMG ah, iyadoo ay goob joog ahaayeen qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha xisbiyada siyaasadeed ee dalka iyo Mas’uuliyiinta Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Xaliimo Sheekh Ismaaciil Xaliimo Yarey Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa muujisay in diiwaan galinta KMG ah ee maanta la daah furay ay fursad badan siineyso xisbiyada siyaasadeed ee dalka.

Xafiiska Diiwaan gelinta ee Guddiga ayaa u sharaxay xisbiyada goobta joogay habka iyo hanaanka ay isku diiwaan galinayaan, waxaana jiray su’aalo iyo talooyin xisbiyadu ay Guddiga u jeediyeen, hase ahaatee masuuliyiinta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa u sheegay xisbiyada in wax waliba uu Dastuurka faahfaahinayo, iyaguna ay hirgelin doonaan.

Guddoonka xisbiyada qaar ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Guddigu uu qaaday talaabo muhiim ah oo muujineysa in looga gudbi karo nidaamka hab qeybsiga  ee hadda lagu shaqeeyo.

Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ku howlan hirgelinta hanaanka doorashooyinka Qof iyo cod ah oo dalka ka qabsooma.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...

Soomaaliya oo soo Dhaweysay Is-fahamka iyo Is-afgaradka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayay ku soo...