Olole nadaafadeedkii Bilaha ahaa oo maanta laga fuliyay dhowr Degmo (Sawirro)

Date:

Muqdisho(SONNA)–Barnaamijka Nadaafadda ee Bilaha ahaaa ayaa manta laga qabtay Degmooyinka Waabari, Warta Nabada iyo Xamar Jab-jab ee Gobolkan Banaadir.

Barnaamijkaan oo la qabto Bishiiba mar, ayaa waxaa looga gol leeyahay in laga wada qeybqaato nadaafadda Caasimadda Dalka, islmarkaana loo soo celin lahaa muuqaalkii wanaagsanaa ee ay lahaan jirtay, waxaana maanta ka qeyb qaatay Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar.

Barnaamij nadaafadeedkaasi ka dhacay qaar ka mid ah Degmooyinka Gobokka Banaadir ayaa waxaa ka hadashay Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir dhanka Maamulka iyo Maliyadda Maluuka Dheere C/Qaadir ayaa sheegtay in laga qeyb qaato Nadafadda, iyadoo hoosta ka xariiqday inay tahay sheey muhiim ah nolosha bini’aadanka.

Maluuka Dheere waxay ugu dambeyntii ka codsatay Dadweynaha ku leh goobaha Ganacsiga Waddada horteeda in ay iska Nadiifiyaan hortooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...