Qurba joogta Soomaaliyeed oo lagu dhiira geliyay iney ka qeyb qaataan horumarka dalkooda+Sawiro

Date:

Iyadoo isbedelka iyo horumarka haatan kajira Soomaaliya ay sii kordhayaan ayaa waxaa Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool Gobolada Kala duwan ee Mareykanka waxay wadaan qorshayaal iyo dadaalo ay kaga qeyb qaadanayaan maalgashiga dalka,taasi oo jawaab u ah dhiira gelinta madaxda Dowladda Soomaaliya ee ah in Qurba Joogta Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan horumarka dalkooda.

Wafdi isugu jira Ganacsato Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Jubbaland oo isugu jira xubno Wasiiro iyobaarlamaanka maamulkaasi oo ku sugan dalkani Mareykanka uunahoggaamniyayo Cusmaan Xuseen Xaaji Feyruus Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ee Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa booqasho waxay ku tageen dhul beereed ku yaala Gobolka Minesota,iyagoo u kuurgalaya sida beeralayda Mareykanku ay horumarin ugu sameynayaan wax soo saarka Dalagyada Beeraha.

Intii uu socday kormeerka Mas’uuliyiinta iyo ganacasatada Soomaaliyeed ayaa waxaa ay kulamo la yeesheyeen madax iyo ganacsato Mareykan ah  sida Hay’adda Gaal oo qabilsan dhanka horumarinta maalgashiga Ganacsi,iyagoo ka wada hadlay sidii qurba Joogta Soomaaliyeed ay qibradooda ganacsi ay dib ugula laaban lahaayeen dalkooda Hooyo.

Markii kormeerkaasi uu soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta Qaranka lahadlay qaar kamid ah ganacsatada oo muujiyay baahida loo qabo sidii Qurba Joogta Soomaaliyeed ay waqti xaadirkaan uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka maalgashi ee Dalka Soomaaliya.

Libaan Hussein Minneapolis

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii lagu jebiyay Degmada Ceeldheer

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka...

Ramla Cali oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay kadib guulo ay kasoo hoysay feerka caalamiga ah

Ramla Saciid Axmed Cali, oo ah gabadhii ugu horreysay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalaya shir heer wasiir oo ka socda Dooxa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,...

Dib-u-furista Xarumaha Diiwaangelinta Dadweynaha ee Gobolka Banaadir

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha (GMDQS)...