Ciidamada oo gacanta ku dhigay rag fal dambiyeed geystay

Date:

Muqdisho (SONNA) – Ciidamada amniga oo kaashanaya shacabka gobolka Benaadir ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan dhallinyaro fal dhaawac ah ka geystay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Thabit Cabdi Maxamed oo warbaahinta kula hadlay Waaxda Axmed-Gureey ee degmada Hodan ayaa sheegay in ciidamada dowladda, gaar ahaan ilaalada Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Khaliif Cabdiqaadir ay ku guuleysteen inay qabtaan rag fal dambiyeed geystay oo doonayay inay goobta ka baxsadaan.

“Koox dhallinyaro ah oo bistoolado ku hubeysan, fal dambi ahna geystay oo qof soo dhaawacay ayaa la qabtay, waxaan caawa dadka Muqdishaawiyiinta ah ugu bishaareynayaa in wada shaqeynta shacabka keentay in lagu guuleysto in dad fal dambi intaas la eg geystay lagu qabtay Waaxda Axmed Gureey, Waa Alle mahadiis, waxaana ku wareejinay hay’adaha ammniga, iyaga ayaa caddeyn doono waxa ay yihiin raggan bistooladaha ku hubeysan” ayuu yiri Guddoomiye Thaabit.

Guddoomiyaha ayaa xusay in qofkii ay dhaawaca u geysteen raggan hubeysan ay ku booqdeen mid ka mid ah xarumaha caafimaadka ee Muqdisho, waxaana uu shacabka uga mahadceliyay kaalinta ay ka geysteen in gacanta lagu soo dhigo rag fal dambiyeed geystay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

8 khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeellada hoose

Ciidanka gaarka ah ee kumaandooska Danab ee CXDS ayaa...