Wasaaradda Beeraha oo ka digtay fatahaado uu sameeyo webiga Shabeele

Date:

Muqdisho(SONNA)-Shir Jaraa’id oo Magaalada Muqdisho si wadajir ah ay ugu qabteen Wasiirka Beeraha Somaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha islamrkaana uu goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ayay Wasaardda Beeraha ku shaacisay digniin ku aadan cabsida laga qabo in Webiga Shabelle oo biyo fara badan ay buuxiyeen inuu fatahaad ka sameeyo 20-Tuulo oo hoostaga Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/dhexe.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Beeraha Somaaliya mudane Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in fatahaadaha laga cabsi qabo in ay sameeyn Qasaaro xoog leh oo ay gaarsiiyaan Shacabka ku dhaqan hareeraha Webiga.

Mudane Siciid Xuseen  Wasiirka wasaaradda Beeraha Dowladda federaalka ah ayaa xusay in qaar kamid ah Dowladaha iyo hay’adaha tagaeera Somaaliya ay kala hadleen inay gacan ka geystaan kahortagista  fatahaadaha.

Wasiirka Beeraha ayaa sidookale sheegay in Wasaarddu ku howlan tahay sidii dib loogu soo celin lahaa biyo xireenadii Webiga Shabelle

Inta badan xili roobaadka ayaa Webiga Shabelle uu fatahaad ka smaeeyaa Gobolada uu maro fatahaadaasi oo saameyn weyn ku yeelata dadka degaanka iyo beeraleyda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...