Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka oo booqday Isbitaalka Digfeer.(SAWIRRO)

Date:

Muqdisho(SONNA)–Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna R/Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta booqday Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho. Wuxuna kormeer ku sameeyey qeybaha gargaarka deg degga, qololka iyo sariiraha bukaan jiifka iyo qeyba kale oo muhiim ah kuna jireen dad Soomaaliyeed oo hayaan xanuuno kala duwan.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa u rajeeyey dadkii Soomaaliyeed ee ku jirey Isbitaalka in ALLAH uu siiyo Caafimaad deg-deg ah.

“Isbitaallada oo muhiimad gaar ah u leh ummad waliba ayaa ka mid ah goobaha uu dalkeenu ka liitay mudooyinkii bur burka, hase ahaatee
isbitaalka Digfeer ayaa daboolay baahi badan oo dadka Soomaliyeed ay u aadi jireen dalka dibadiisa” ayuu yiri Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Isbitaal Degfeer oo ka mid ah goobaha caafimaad ee ugu casriyaysan Qaaradda Afrika ayaa waxaa ku sugan dhaqaatiir iyo howl wadeeno caafimaad oo u dhashay wadanka Turkiga, kuwaasi oo uu Ra’iisul Wasaaruhu indha indheynta kadibna kulan la qaatay, isagoo ku amaanay howsha caawimaada ah ee ay dalkeenna ka hayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...